JAMHUURIYA: FALANQAYNTA 82-KA XILDHIBAAN EE GOLAHA WAKIILLADA OO 8 SANNO IYO 5 BILOOD KURAASTA FADHIYEY.

0
Thursday March 20, 2014 - 17:53:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JAMHUURIYA: FALANQAYNTA 82-KA XILDHIBAAN EE GOLAHA WAKIILLADA OO 8 SANNO IYO 5 BILOOD KURAASTA FADHIYEY.

    Waxa aynnu qormada 9aad ee taxanaha falanqaynta Jamhuuriya ku eegaynaa kooxda ugu dambaysa mudanayaasha Gobolka Sanaag ugu jira Golaha Wakiillada. Md. Yaasiin Cali Warsame: Lama garanayo meel uu ku dambeeyey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aynnu qormada 9aad ee taxanaha falanqaynta Jamhuuriya ku eegaynaa kooxda ugu dambaysa mudanayaasha Gobolka Sanaag ugu jira Golaha Wakiillada. Md. Yaasiin Cali Warsame: Lama garanayo meel uu ku dambeeyey,
laakiin sida la sheegay wuxuu beddelay xildhibaan hore golaha looga saaray, isaga laftiisana waxa sii beddelay mudane kale oo ku cusub Aqalka Wakiillada oo aan wax xog ah laga hayn, isla markaana aan xataa magaciisa lagu hayn mareegta lagu kaydiyo xogaha mudanayaasha golaha.

Md. Cabdulqaadir Jaamac Xaamud: Waa dhallinyaro hore macallin dugsi dhexe u soo noqday oo eddeb badan ka muuqato. Waxa uu doorasho toos ah iyo cod dadweyne kaga soo baxay degaannada bariga Sanaag. Ma hawl badna sida xildhibaannada qaarkood oo dhaqdhaqaaqiisu ma buurna, saamayn muuqatana kuma laha golaha dhexdiisa, weligiina fadhi qudha kama maqnaan. Waa muxaafid-la-nool aan ka ag fogaan hadba cidda xukunka dalka haysa, isagoo ka qaybqaatay shuruucda iyo xeerarka Golaha Wakiilladu ansixiyeen. 

Dhinaca waxbaqadka degaannada uu ka soo jeedo waxa uu kala mid yahay inta badan mudanayaasha Golaha Wakiillada aan waxtar buuran u fidin horumarinta adeegyada bulshada degaannada laga soo doortay, waxana markhaatiga warbaahinta ugu jira olole oo uu u galay xilligii xukuumaddii Rayaale in degmo la siiyo Degmada Yubbe oo ku taal bariga Gobolka Sanaag oo ka mid ah degaannada shacabka uu codkooda kursiga ku fadhiyo.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii dhintay ee UDUB, kadibna waxa uu u wareegay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.

Md. Ibraahim Carraale Cabdi: Waa mudane gaaban, jimidh yar, isla markaana af gaaban, laakiin waxa uu halis ku yahay kaambaynka hoose ee arrimaha siyaasadda iyo xod-xodashada xildhibaannada marka mooshinno xasaasi ah jiraan, kuma se jiro ragga tilmaaman ee aadka uga dhex muuqda golaha. Waxa uu ka tirsan yahay Guddi-hoosaadka Joogtada ah ee Golaha Wakiillada. Waa muxaafid markasta la safan oo aan ka fogaan xisbiga xukunka dalka haya, mucaaradnimadana way kala xanaaqaan, gole-joogistiisuna waa qaliil, balse badanaa fadhiyada kama maqnaado.

Inkastoo uu u badan yahay keli-socod aan socdaalladiisa Gobolka Sanaag wax badan laga sheegi karin iyo waxyaabaha uu arrimaha horumarka ka qabtay, haddana warbaahinta lagama baahin mashruuc horumarineed uu hoggaaminayey oo laga hirgeliyey degaannada dadweynaha uu codkooda golaha ku joogo.

Waxa uu ka soo baxay UDUB-tii burburtay, dabadeedna markii xisbigiisii geeriyooday, xukunkiina lagala wareegay waxa uu isu dhiibay xisbul-xaakimka KULMIYE.

Md. Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaa-dheere): Waa mudanaha ugu da’da weyn xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Waa oday samo-talis ah, kumana dhex milmin xafiiltanka fagaarayaasha siyaasadda ee mucaaradka iyo muxaafidku ku laacdamaan. Saamayn la dareemi karo kuma laha golaha dhexdiisa, waana waayeel qunyar-socod ah oo aad loogu ixtiraamo da’diisa.

Inta badan waxa uu safarro ku tagaa Gobolka Sanaag oo uu rasmi ahaan u deggan yahay, si toos ahna looga doortay, hase ahaatee saxaafadda looguma hayo waxqabad uu ka fuliyey degaannada dadka uu codkooda kursiga ku fadhiyo, inkastoo uu u ololeeyo arrimaha horumarka gobolkiisa.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii jabay ee UDUB, imminkana waxa uu ka tirsan yahay xisbiga WADDANI.

Md. Maxamed Saalax Cige (Looyar): Waa sharciyaqaan ku shaqaysta mihnadda qareennimo, had iyo jeerna lagu arko maxkamadaha iyo xarumaha hay’adaha caddaaladda ee caasimadda Hargeysa. Doodaha goluhu yeesho inta badan wuu ka qaybgalaa, waana aftahan meel-marinta aragtihiisa dallo uga dhigta qodobbo sharci. Joogista golaha kuma badna, waxaannu inta ugu badan waqtigiisa siiyaa hawlaha kiisaska iyo dacwadaha uu qareenka uga yahay dadweynaha oo dhaqaale fiican ka soo galo.

Waa mucaarad aad u dhaliila xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigeeda KULMIYE.

Warbaahinta looguma hayo markhaati cad oo muujinayo waxqabad iyo waxtar uu ka fuliyey degaannada Gobolka Sanaag oo si toos ah looga soo doortay.

Waxa uu ka soo baxay UDUB, haddana waxa uu ka tirsan yahay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI. La soco cadadka dambe falanqaynta mudanayaasha laga soo doortay Gobolka Awdal……..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured